xildhibaan C/laahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo si adag u weeraray salaadiinta iyo shacabka reer Boorama, Isla markaana ka hadlay hadalo ka soo yeedhay madaxda dhaqanka ee Boorama qaarkood. Xildhibaan Axmed Barkhad oo ka jawaabaya hadalkii xildhibaan Dhugad ayaa waxa uu ydihi

“Hadalka ka soo yeedhay xildhibaan Dhugad waxaa ka muuqda Cunsuriyad iyo dacaayad uu ku hadli jiray wakhtigii Gumaysigii Ingiriiska ee bustaha u sidi jiray, mana fiicna uu dhugad Aamino ama haysto odhaahdii gabawday ee gumaysigu odhan jiray gadabuursi Saajin ma dhaafi karo, waad ka warqabtaa in derejooyinkaas aad sheegtay ee adiga kuugu aragti dambeeyay ay hore u dhaafeen reer Boorama, oo ay talada ka gaadheen m/weyne Somaliland gaadhsiiyay hanaanka geedi socodka dimuqraadiyada, sidaas darteed ma haboona in nin aad darajiisa garanayso oo Ex.Col ahaa aad maanta ku sheegto Saajin. Nin da’adaas oo kale ah oo weliba ka mid ah gole Guurti hadalkaasi wuxuu ku yahay nusqaan tilmaamaysa caqliyadiisa iyo fikirkiisa, ragii gedahaaga ahaa ee ka midka ahaa golaha aad ku jirto ee Guurtidu ee reer Awdal Ereyadaas kuma hadli jirin marka ay Burco ama meel kale shaqaaqo ka dhacdo, balse waxaad tahay nin da’a ah oo cimrina jooga ee hadalkaaga u meel day, kii wax dacaayada ku baahin lahaa Wargaysyada ma tihid maanta, waxaa lagaa eegayay halka qayrkaa taagan yahay X.cabdi Waraabe oo kale, intaasi waa iga talo iyo tusaale.

Mida kale ee aan Xildhibaan Dhugad ka dareemay hadalkiisa waa difaac uu u galayo gacalka cusub ee ku soo kordhay, waxaanse leehay gacalka cusubi kaagama baahna difaac ee hab kale uga wareeg. mida kale waxaan ku xasuusinayaa in reer Boorama yihiin Aasaasayaashii Somaliland, cid walbana way uga lexejeclo badan yihiin ee xildhibaan dhugadoow xagaaga yaanay ka liicin, Waranka aad ku ganayso reer Boorama in uu kugu soo noqon karo ka filo, hadalada duurxulka ah ee aad ku Abaarayso reer Booramana maaha kuwo dawo ka noqon kara booga cid kasta u muuqda.

Xildhibaan Dhugad waxaan leehay iska hadal la isma yidhaahdee macno ku hadal weeyi taladu, hadii aad murtida hadalka u baahan tahay in aad tidhaahdo oo aad ku waaniso walaalahaa reer Boorama, waxaan ku odhan lahaa u teg duqa Xildhibaanka ah ee Murtiyaqaanka ah ee X.C/kariim, talo weydii oo ku dheh waan hadlayaaye maxaan idhaa, haddii kale ha ceebayn halka aad ka soo jeedo iyo cida aad metesho ayaan ku odhanayaan xildhibaan dhugadawo. reer Booramana cid la bedelayo iyo wax la mid ah uma dudayaan, oo waa nimanka si xarago leh ku wareejay kursigii ugu mudnaa, iyaga oo aan muran iyo hadal gelin.. ayuu hadalkiisa ku soo gebagabeeyay Xildhibaan Axmed Barkhad Obsiiye.

Advertisements