Xildhibaan C/laahi Ibraahim Xirsi (Dhugad) oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Guurtida Somaliland ayaa ugu baaqay Salaadiinta reer Boorama inay xukuumadda Siilaanyo ay ula shaqeeyaan siddii ay ula shaqayn jireen xukuumaddii ka horaysay ee Madaxweyne Rayaale. Xildhibaan Dhugad ayaa sidoo kale khalad ku tilmaamay in Salaadiinta Boorama ay yidhaahdaan waanu mudaharaadaynaa haddii la badalay taliyihii ciidamada xeebaha galbeedka, waxaanu intaasi ku daray in dawladdii hore ee Daahir Rayaale oo muddo toban sano ah dalka ka talinaysay ay ciidamada iyo masuuliyinta qaranka ay isku bedeli jirtay, balse waxa uu arinta reer Boorama ay ka cabanayaan uu ku tilmaamay inay tahay Baroortu Ceesaanta ka weyn.

Xildhibaan Dhugad waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay Shirjaraa’id ay si wada jir ah ugu qabteen isaga iyo Suldaan Yuusuf Maxamed Xiiray Hotel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, Ugu horayn Xildhibaan Dhugad oo Shirkaasi jaraa’idna ka hadlay waxa uu yidhi “Haddii aanu nahay xildhibaanadii Guurtida waxaanu maanta arkaynaa khalad dhacaya oo dad ka dhacaya oo dadkii maanta dalka u ahaa Madaxweynaha oo toban sanadood Madaxweynahay ahaa oo imika bishii Afaraad buu sii maqnaa oo ay ka muuqatay barnaamij aan hagaagsanayn oo aad u foolo xun oo aan labadii dawladood ee dalka iskaga danbeeyay mid-na u wanaagsanay Salaadiintan iyo Baarlamaankan siiba cuqaashan odayoogii ayuu ahaa anaguna waxaanu ahayn ragii la shaqayn jiray.

Daahir Rayaale wuxu xidhi jiray Saladiinta oo aan la odhan jirin Suldaan baad xidhay, wuxuu xidhi jiray kornaylada oo aan la odhan jirin kornayl-buu xidhay, wuxu xidhi jiray cid alaale iyo ciduu doono ninkasta oo magac leh wuu xidhi jiray, wax qabiil ah oo is urursaday oo odhan jiray Suldaan kayagii baad xidhay madaxdayadii baad xidhay oo yidhi Badhasaab kayagii baad xidhay waa waxaan la arag oo aan dhicin. Madaxweynihii doorashada lagaga adkaaday Salaadiinta oo dhan oo isu timid oo wax ka codsatay ayuu odhan jiray idiin yeeli maayo ee iska taga oo laga tagi jiray oo aan wax ceeb ah laga soo daba diri jirin.

Hadaba reer Boorama haddii ay yidhaahdaan nin saajin ah ayaa la badalay oo waanu mudaharaadaynaa oo Somaliland ayaanu ku kacayana maaha saajinka la badalay ee waa cudur calooshooda ku jira, maaha nin la badalay oo askari ah askaribaa la badalay waa Barootu Ceesaanta ka weyn shan iyo sideetan jir-baan ahay oo Somalilnd ayaan intaa joogay ilaa dawladdii hore ee Somalia iyadana waan la shaqaynayay, wali reer Awdal ciddi kamay dhiman askari kama dhiman maaliyadii Maxamed Siyaad Bare iyo tii ka horeysay tan dhalatay maaliyadeedii wixii oo maaliyad ahaa ayaa meesha ku degay, xoolahaa badan iyo nabadgalyadaa badan ee aan reer Awdal balaayaba arag ayaa maanta qaylo keenaya oo waxay leeyihiin waar kaligayo Somaali ka hadhi mayno halkay Soomaali martay ha nala mariyo oo hana la laayo oo waxay raadsanayaa halkay Somaali martay, waxaan leeyahay niman yahaw walalayaal maanta waxaad ku cabataan ma aragno waxaanu leenahay maanta waxa ala iyo waxaad sheegataan garan mayno saajin baa la badalay boroortu ceesanta ka weyn saajinka la badalay haddii uu weyn yahay mid aad ilmaadeer tihiin uunbaa lagu badalay Somaali kale ba laguuma keenin meel kale lagaagama keenin maalinkaa maanta ah ee ayanu joognana dawladdii aad idinku gacanta ku hayseen ee aan waxba la idiin odhan jirin saddex bilood bay sii maqnayd miydaan afartan baxa la sugayn, ha ahaato tan madaxweyne-ku xigeen baad leedihiin inuu dhaxlana waa laga yaabaa, waxaanu idiin leenahay maanta waxaanu idiin ka baryaynaa inaad dalka xaal siisaan in aad ka noqotaan arintaa maanta aad ku joogtaan ee foosha xun inaad ka noqotaan ayaanu idinka baryaynaa”.

Intaa ka dib waxa isaguna halkaasi ka hadlay Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray, kaas oo sheegay in salaadiin ahaan ay la shaqaynayeen isla markaana ay difaacayeen xukuumaddii Rayaaale sideedii sano ee ay xilka hayeen, loogana baahan yahay Salaadiinta Boorama inay la shaqeeyaan xukuumadda Siilaanyo.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray oo halkaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Horta Saladiintu waa heer qaran qarankay matalaan, anagu qaran baanu nahay marka kowaad dawladan Somaliland marxaalado badan bay soo martay meel dheer baynu ka soo bilawnay. Horta dalka waxa inagaga tagey C/raxamaan Axmed Cali (Tuur) ilaahay ha u naxariiste, Maxamed Xaji Ibraahim Cigaal, Daahir Rayaale Kaahin intaas oo madaxweyene ayaa isbadashay waxaana keentay Dimuquraadiyada, nidaamka iyo qaabka ay maalin-ba marayso heerka ay marayso aan marayno, anagu intaa-ba Suldaan baanu u ahayn intaa markaan ka gudbo, waxaan doonaya Saladiintan reer Boorama ee hadashay laba Suldaan oo qiimo badan weeye Saladiintuna dhaqan iyo karaamo ayey leedahay cay ma gayaan aflagaadona ma gayaan, laakiin waxaan doonayaa marxaalada Saladiinta marxalada bay Saladiintu leedahay siyaasigu marxaladbu leeyahay xildhibaanku marxalada bu leeyahay caaqilku maxralada buu leehay odayaasha dhaqanku marxalad bay leeyihiin, horta dee inay u soo horeeyan bay leedahay afar kalmadood oo koob kooban ayaa odhanayaa. Anigu Saladiin ahaan xaqiiqda marka loo dhabo galo markaan dariiqa marayo waxa layigu yidhaahda waa Suldaankii dawladdii hore taageeri jiray qofku inuu hadalkiisa la badheedhaa wanaagsan cay badan-baa iga soo gaadhay waa guul wade UDUB-buu u shaqeeyaa aflagaado badan- baa iga soo gaadhay uu maan shaqaynay anugu UDUB shakhsi ahaan laakiin waxaan u shaqaynayay qaranka in nabadagalyo lagu wada noolado beelaha reer Somaliland-na gacmaha is qabsadaan inay wada socdaan inay wada noolaadaan, afar iyo toban sano ayaa Gobolka Awdal madaxweynuhu ka soo jeeday oo aan ku ilaalinaynay oo aan gaadh kagaga haynay laba eray waa nusqaan waxaan leeyahay Gobalku Somalinad xaal ha siiyo. Erayga kowaad waxa weeyaan isagoo madaxweyne Rayaale ka sii maqnaa laba cisho madaxtooyada oo waxay la soo baxeen calankii buluuga ahaa ee Somalia oo ay ku mudaharadeen Somaliland nusqaan bay ku tahay Somaliland-na kama gayaan taa waxaan leeyahay xaal ha ka siiyeen ummada reer Somalind. Ta labaad waxa weeyan dawladan waa la doortay shacbibaa doortay si fiica-baa loo doortay maamul-baa la badalay madaxweynihii dalka joogay-baa ka tagey wasiiradii ayaa la badalay, Badhasabadii ayaa la badalay, guddoomiyayaashii ayaa la badalay ummadii oo dhan ayaa la badalay in nin masuul ah oo taliye ah oo la badalay in Salaadiin dhami ay ka hadasho waxaan leeyahay haka noqdaan Saladiinta eraygaa anagu beeshan aan ka soo jeedo Suldaan Xiiray ahaan ee bariga Hargeysa waxa laga badalay sagaal wasiir iskadaa kuwa kale hadaan maalintii shir jaraa’id qabto oo aan idhaahdo siddee loo badalayaa sagaalka wasiir Somaliland waxa weeyan si kale ayey u arki la hayd artintaa waxaan leeyahay Salaadintu haka naqoto dawladana ha lala shaqeeyo laba bilood bay taagnayd oo curdun weeye hala kobciyo si wanaag-sana ha loola shaqeeyo meel aynu u kacnaana ma jirto maamulkana madaxweynaha ha loo daayo isagaa u madaxbanaane shacabka reer Somalind waxaan u soo jeedinaya ciidamada amaanka-na halala shaqeeyo dalkana waa curdin ummada oo dhan ayaa in eegaysa shacabka-na waxan leeyahay nabada halag wada shaqeeyo Saladiintana waxaan leeyahay waar siddeed sanadood ayaan difaacaynay in Rayaale oo aan gaadh ka haynay oo la shaqaynaynay oo aanu toosinaynay waxaan idiin leeyahay maamul ayaa la badalay maamulka joogana halala shaqeeyo

Haatuf

Advertisements